Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidanka Galmudug oo Hawlgal Miino baaris ah ka sameeyay Degmada Bacaadweyne

Ciidanka Galmudug oo Hawlgal Miino baaris ah ka sameeyay Degmada Bacaadweyne

0

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa howlgal miinooyin lagu soo saarayay ka fuliyay deegaanno hoos yimaada magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaasi oo ka mid ah goobo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda  & Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay inay howlgalka ku gaareen deegaanno Al-Shabaab ku sugnaayeen oo kamid ahaa kuwo ay horay dagaalo uga dhaceen.

Ciidanka ayaa soo bandhigay miinooyin M Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka , waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in minooyinkaan ay Al-shabaab doonayeen inay dadka ku dhibaateeyaan.

Ugu dambeyn waxaa ay shegeen saraakiisha in howlgalka ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta miinooyinka ay ka saarayaan wadooyinka ay geliyeen Al-Shababa, sidoo kalena ay kula wareegayaan degaannada Gobolka Mudug.

Magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug iyo degaano kale oo ka tirsan gobolkaas ayaa waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda, kuwa galmudug iyo Shacab is ruursaday iyo Al-Shabaab.

Ad
Previous articleShirkii ay ku baaqeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo baaqday
Next articleDowlada Kenya oo ka jawaabtay in Ciidankeeda kala baxdo Dalka Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here