Home Wararka Somaliya Sawiro:- Shir Hordhac ah oo Saaka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul...

Sawiro:- Shir Hordhac ah oo Saaka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

0
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saakay ka qeyb galay Shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkaan oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Md. Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Denni, Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Hirshabeelle Md. Cali Guudlawe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Md. Cabdicasiis Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishu Md. Cumar Maxamuud Filish.
Shirkaan ayaa looga arrinsanayaa xalinta tabashooyinkii la xiriiray Hanaanka Doorashada qaranka ee lagu heshiiyay 17kii September 2020.
Dowlada Somaliya iyo Madaxda Maamulada midna shirkaasi kama warbixin waxana masuuliyiin Galmudug ah ay sheegeen in Shirka uu ahaa hordhac marka la eego shirka weyn ee furmaya.
Ad
Previous articleIndha Cadde oo shaki galiyay Dilka General Galaal ee Shabaab isagoo ku baaqay Baaritaan
Next articleWararkii ugu danbeeyay Shirka Dhuusomareeb iyo Qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here