Home Wararka Caalamka Deganaanshaha Rasmiga iyo Ogolaanshaha Shaqada halaga Celiyo “Dowlada Sweden oo Laanta Socdaalka...

Deganaanshaha Rasmiga iyo Ogolaanshaha Shaqada halaga Celiyo “Dowlada Sweden oo Laanta Socdaalka u bandhigtay Qorshe Cusub

0

Dowlada Sweden oo Maanta Shir Jaraa’id qabatay ayaa ku soo bandhigtay Tilaabo Cusub oo Dadka qaar looga Ceshanayo Sharciga Deganaanshaha Rasmi iyo Ogolaanshaha Shaqada.

Wasiirada Socdaalka Maria Steinergaard oo Hogaamineysa Shirka Jaraa’id ee maanta ayaa sheegtay in Laanta Socdaalka ay Dedejineyso Sharci kala Noqoshada kuwa lagu helo in ay qaab qayaano ah ku heleen Daganaanshaha Rasmiga.

Waxay Laanta Socdaalka ugu baaqday baaritaanka Kiisaska la Xiriirra arintan iyadoo Dadka lagu helo si Rasmi ah looga ceshanayo Sharcigooda.

Maria Steinergaard ayaa dhanka kale ka jawaabtay Su’al ah Dadka Qaxootiga ee Basaboorada yar yarka ku taga Dalalka laga Mamnuucday.

Waxay Sheegtay in Qofka lagu helo arintaasi uu lumin karo Sharcigiisa Madama uu u isticmaalay sifo aanan loogu tala galin.

Dowlada ayaa dhawaan soo bandhigtay Heshiiska Tidö kaasi oo lagu soo bandhigay Qodobo lagu adkeenayo qeybta Laanta Socdaalka.

Ad
Previous articleGoob Jimicsi oo Toogasho Bareer ah laga geestay ” Maxkamada Götenborg oo Xukun ku riday Ninka Falkaasi ka danbeeyay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Maraykanka Kula kulmay Madaxweynayaasha Kenya, iyo Uganda(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here