Home Wararka Maanta Faransiiska oo sheegay in uu diyaarinayo qaraar xabbad joojineed oo cusub ka...

Faransiiska oo sheegay in uu diyaarinayo qaraar xabbad joojineed oo cusub ka dib fashilka ku yimid kii Maraykanka

0

Faransiiska ayaa ka shaqeyn doona qaraar cusub oo Qaramada Midoobay oo ku baaqaya xabbad-joojin laga sameeyo Qasa, ayuu yiri madaxweyne Emmanuel Macron.

Isagoo ka hadlayay dhamaadka shir madaxeedka Midowga Yurub ee Brussels, Macron wuxuu sheegay in Faransiisku uu dib u bilaabi doono “ka shaqaynta qaraar qabyo qoraal oo Faransiisku soo jeediyo ee Golaha Ammaanka oo uu kala shaqeynayo saaxiibadeena Mareykanka, Yurub iyo Carabta si loo gaaro heshiis”.

“Golaha ammaanku waa inuu ku baaqaa xabbad joojin degdeg ah iyo gargaar bani’aadanimo,” ayuu raaciyay.

Hadalkiisa ayaa daba socday cod loo qaaday qaraar uu soo diyaariyay Mareykanka kaasoo ay qaadaceen Ruushka iyo Shiinaha.

Ad
Previous articleQoyska gabar ninkeedii ku gubay aashito oo ka cabanaya cadaalad daro
Next articleWeerar lagu laayey 40 qof oo lagu qaaday Ruushka iyo Daacish oo Sheegatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here