Home Wararka Somaliya Galmudug Cali yare Cali oo Quustay iyo Mahad Salaad oo Shahadada Musharaxnimo Qaatay

Cali yare Cali oo Quustay iyo Mahad Salaad oo Shahadada Musharaxnimo Qaatay

0

Guddiga doorashada Galmudug ayaa maanta shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyey musharaxiin ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Mahad Salaad iyo haweeney malxiis ah oo magaceeda lagu sheegay Shamso Cabdullaahi Maxamed.

Mahad Salaad oo afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyey kursiga HOP147 ayaa la filayaa inuu mar kale meel cidlo ah ka qaato kursigaas isagoo aan u gelin loolan adag.

Guddomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo muddo dheer ku taamayey inuu kursigan tartan adag u galo ayaa hadda ka quustay inuu riyadaas rumeeyo ka dib markii lagu celiyey magaalada Muqdisho, loona diiday inuu tago Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa la sheegay inuu ka dambeeyo talaabada looga reebay tartanka kursigan Cali Yare oo isku haleynayey taageeradii uu mudadii dheer siinayey Madaxweyne Farmaajo balse daqiiqadii ugu dambeysay is arkay isagoo meel cidlo ah taagan.

Dad badan ayey lama filaan iyo amakaag ku noqotay markii uu soo baxay warka sheegaya in Cali Yare laga reebay doorashada, uuna awoodi waayey xitaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb.

Qoorqoor ayaa Kursiga HOP147 ku abaal mariyey inuu mar kale qaato Mahad Salaad oo taageero siyaasadeed u muujiyey xiligii loo dooranayey Madaxweynaha Galmudug iyo dagaalkii Guriceel ku dhexmaray ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu-sunna.

Ad
Previous articleSaraakiil Katirsanaa Booliska Haramcad oo Xabsiga La Dhigay iyo Sababta oo la Ogaaday
Next articleDowlada jabuuti oo Sheegtay inay Fashilisay Afgambi lagu Soo Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here