Home Wararka Somaliya Somaliland Ciidamadda Somaliland Ee Ku Sugan Aagga Gooja-Cade oo Weerar Culus lagu Qaaday...

Ciidamadda Somaliland Ee Ku Sugan Aagga Gooja-Cade oo Weerar Culus lagu Qaaday Xili ay Dagaal isku Diyaarinaayeen

0

Ciidamada deegaanka ee SSC  ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday milatariga Somaliland, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadeen bariga magaaladaas Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya inuu goobta ka dhacay dagaal xooggan oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana mararka qaar la maqlayay madaafiic ay dhinacyada is weydaarsanayeen.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyay inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalkan, walow aan si rasmi ah loo ogeyn xadiga uu gaarsiisan yahay khasaaraha labada dhinac soo kala gaartay.

Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa wali ah mif kacsan waxaana hub uruursi iyo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda wada garabyada ku loolamaya gacan ku heynta Laascaanood

Arrimahan ayaa uga sii daraya xaaladii magaalada, waxaana guul dareystay dadaalo lagu bixinayay in lagu wada hadalsiiyo SSC iyo Somaliland, Garaadada ayaa dalbanaya in Somaliland deegaanka baneyso kadibna wadahadal la aado, balse maamulka Muuse Biixi ayaa arrintaasi hoos u dhigay.

Ad
Previous articleNin ku labistay dharka Dumarka si uu ciyaar ugu guuleesto iyo fashilkii ku dhacay (Sawirro)
Next articleAl-Shabaab oo madaafiic ku garaacday saldhigga Baarsanguuni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here