Home Wararka Maanta Ciidamda Dowlada oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobalka Galgaduud(Sawiro)

Ciidamda Dowlada oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobalka Galgaduud(Sawiro)

0

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor oo ay wehliyaan ciidamo deegaanka ah ayaa maanta la wareegay deegaanka Cali Heele oo hoos-taga degmadda Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya ciidamada huwanta ah ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Cali Heele , kaddib markii halkaasi isaga baxeen dagaalyahanadii Al Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi.

Ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor ayaa deegaanka hoostaga degmada Ceeldheer kawada howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka, waxa ayna ciidanka wadaan baaritaano miino baaris ah.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay horey u sii socon doonaan uuna yahay ujeedkooda in ay la wareegaam degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ,halkaas oo sannado badan fariisimo weyn u aheyd Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada abaabulka howlgalo ballaaran ay ku dooneyso in Al Shabaab looga saaro degmooyinka ay ka joogaan gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana qorshaha ugu horeeya yahay degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere.

Ad
Previous articleDibadbax Ka Dhan ah Kooxda Alshabaab oo Ka Dhacay Degmada Wisil ee Gobalka Mudug(Sawiro)
Next articleAlshabaab oo isaga Baxay Degmada Xarardheere Xili Guluf Culus ku Wajahnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here