Home Wararka Maanta Waayeel muslimiinta neceb oo lix iyo labaatan jeer toorrey ku dhuftay lix...

Waayeel muslimiinta neceb oo lix iyo labaatan jeer toorrey ku dhuftay lix jir Muslim ah

0

Ciidamada Booliska Mareykanka ayaa xiray nin waayeel ah oo ku eedeysay in uu toorrey ku weeraray wiil yar oo Muslim ah iyo hooyadiis.

Ninkan oo lagu magacaabo Joseph Chuba, oo 71 jir ah, ayaa lix iyo labaatan jeer toorey ku dhuftay wiil yar oo Muslim ah iyo hooyadiis oo degenaa gurigiisa.

Wiilka yar ee lix jirka ah ayaa geeriyooday, halka hooyada 32 sano jir ah uu ku yaal dhaawac weyn oo halis ah.

Weerarka oo ka dhacay gobolka Illinois waxay boolisku ku tilmaameyn mid ku saleysan ‘Islaam naceyb’ iyada oo la xiriirshay dagaalka ka socda Qasa ee u dhexeeya Xamaas iyo Israel.

Ad
Previous articleLabadan gabar oo keliya oo laga soosaaray burburka gurigooda oo ka haray qoyska oo dhan’
Next articleIran oo u dirtay Israel digniintii ugu weyneyd. Haddaba, maxay tahay digniintan culus?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here