Home Wararka Caalamka Mareykanka oo wacad ku maray inuu sii laba jibaarayo Taageerada Hubka Ukraine...

Mareykanka oo wacad ku maray inuu sii laba jibaarayo Taageerada Hubka Ukraine ilaa ay ka Guuleysato.

0

Afhayeenka Aqalka Koongareeska Mareykanka, Nancy Pelosi, ayaa sheegtay inay hogaamineysay wafdi Congress ah oo tagay Kyiv si ay u gaarsiiyaan fariinta ah in Mareykanka uu sii wadaya taageerada Ukraine.

Pelosi ayaa waxa ay madaxweyne Volodymyr Zelensky u sheegtay in Ukraine ay u dagaalamayso xorriyadda qof kasta – Maraykankuna uu sii wadi doono taageerada si Ukraine ay u sii xoojiyso iska caabinta ka dhanka ah gardarrada Ruushka “ilaa dagaalka ay guul ka gaarto.”

Iyadoo markaas ka hadlaysa Poland, waxay sheegtay in Koongarasku uu si degdeg ah u meel marin doono sharciga ansixinaya codsigii Madaxweyne Biden ee ahaa in soddon iyo saddex bilyan oo doollar loo qondeeyo Ukraine.

Xildhibaan Jason Crow oo ah askari hore ayaa sheegay in ay caddahay in dadka Ukraine ay ku guuleysan karaan dagaalka haddii la siiyo hubka ay u baahan yihiin.

Dhanka kale Hogaamiyaha Jarmalka, Olaf Scholz, oo kudbad ka jeedinayay isoo soo baxa 1-da May ayaa difaacay mowqifkiisa ku aaddan kaalmada milatari ee Ukraine. Iyadoo qaar ka mid ah dadkii isugu soo baxay ay ka soo horjeesteen Mowqifka Scholz waxa uuna eedeeyayn dusha kaga tuuray kuwa ka soo horjeeda in Kyiv hub lagu taageero:

Ad
Previous articleP.M Rooble iyo Cabdi Xaashi oo Ka Wada Hadlay Arimo Xasaasi Ah(Sawiro)
Next articleHogaamiyaha ugu Sarreeya Taalibaan oo markii labaad Noloshiisa ka soo muuqday Goob fagaare ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here