Home Wararka Somaliya Masuuliyiin ka Tirsan Puntland oo Qarax lala Eegtay

Masuuliyiin ka Tirsan Puntland oo Qarax lala Eegtay

0

Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Gallan oo lala beegsaday labo qarax oo loogu qariyay wadada xilli ay safrayeen.

Ugu yaraan hal askari ayaa la sheegay inuu  dhintay, labo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii mid kamid ah gaadiidka galbinayay masuuliyiinta uu qaraxu haleelay.

Weerarkan ayaa ka dhacay wadada gasha tuulada Balidhidin ee gobolka Bari, halkaas oo ay masuuliyiintu ku wajahnaayeen, iyagoo kasoo laabtay degmada Xaafuun oo ay labo maalmood ka hor kasoo dhagax dhigeen mashaariic horumarineed oo dhinaca biyaha ah.

Lama sheegin khasaare kale oo ka dhashay weerarkan.

Goobta lagu beegsaday masuuliyiinta Puntland waxaa dhaqdhaqaaqyo ka sameeya oo dhuumaalaysi ku joogo kooxda Daacish oo dhowr jeer ciidamada Puntland halkaas kula dagaalamay.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Garsoorayaal {Akhriso}
Next articleMadaxweynaha galmudug oo Muqdisho si weyn Loogu soo dhaweeyay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here