Home Wararka Somaliya Dhageyso Xog ku saabsan Shirka u dhaxeen doona Dowladda dhaxe Dowlad Gobaleedyada...

Dhageyso Xog ku saabsan Shirka u dhaxeen doona Dowladda dhaxe Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

0

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Gudaha Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho in uu ka furmo Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka qaarkood ayaa halkaasi gaaray, sida Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, waxaana si la mid ah Goobta gaaray Madaxda Galmudug, Konfur galbeed, Hirshabelle iyo Gobalka Banaadir.

sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Madaxda Jubbaland iyo Puntland aysan gaarin Xerada Afisyooni oo Maanta la qorsheenayo in shirka uu ka dhaco

Wararka la helayo ayaa sheegaya in uu jiro shaki ah in aysan shirka tegin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland walow Xubnaha Beesha  Caalamka ay cadaadis saarayaan dhinacyada la doonayo inay shiraan.

Amniga Xerada Afisiyooni oo uu shirka ka furmayo ayaa waxaa damaanad qaaday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kadib markii ay dalbadeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo gaaray Goobta shirka Lagu qabanayo.
Next articleShir Xerada Afisyooni uga socda Madaxda Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada qaar (SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here