Home Wararka Caalamka War ka soo kordhay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Tanzania

War ka soo kordhay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Tanzania

0

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ka dib markii diyaarad ay ku degtay waqooyi-galbeed ee Tanzania.

Kaliya 26 qof oo rakaab ah ayaa la soo badbaadiyay, 14 qof oo kale ayaa wali go’doonsan iyadoo ay socdaan howlaha samata bixintu.

Guddoomiyaha gobolka Kagera, Albert Chalamila ayaa xaqiijiyay dhimashada iyadoo ay socdaan dadaallo lagu badbaadinayo dadka kale.

Diyaaradda ku dhacday biyaha ayaa ka soo duushay magaalada Dar es Salaam, waxayna ku sii jeedday magaalada Bukoba iyada oo sii martay Mwanza saaka, waxaana la socday 43 qof oo ay ku jiraan 39 rakaab ah.

Ad
Previous articleColaadda Itoobiya: Yaa guuleystay Abiy Axmed iyo TPLF?
Next articleDEG DEG: ALSHABAAB oo Weerar Culus oo Qaraxyo ku Bilowday Ku Qaaday Degaanka Qaayib ee Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here