Home Wararka Somaliya Galmudug Sawiro: Caasimada Dhuusamareeb oo Xalay lagu Qabtay Munaasibada Sanad Guuradii 15aad ee...

Sawiro: Caasimada Dhuusamareeb oo Xalay lagu Qabtay Munaasibada Sanad Guuradii 15aad ee Galmudug

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeyb galay caawa munaasabadda sanadguurada 15aad ee Galmudug oo ka dhacday caasimadda Dhusamareeb.

Munaasabadda sanadguurada 15aad oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Madaxweyne ku xigeenka DGM mudane Cali Dahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane Dr. Maxamed Nur Gacal, xubnaha labada gole ee dowladda Galmudug, xubnaha ka tirsan labada aqal ee BFS, maamulka iyo shacabka Caasimadda iyo madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Axmed Ducaale Xaaf.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray dhamaan dowladda iyo shacabka reer Galmudug meel kasta oo ay joogaan asagoona u rajeeyay in sanadkaan sanadkisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Ad
Previous articleShabaab oo Dagaal ku Qabsaday Deegaano Hoostaga Degmada Cadaado
Next articleSawiro: Gaalkacyo oo lagu qabtay Sanadguurada kasoo Wareegatay Markii la dhisay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here