Home Wararka Somaliya Mareykanka oo xaqeejisay in Duqeymo ay ka fuliyeen Gobalka Mudug

Mareykanka oo xaqeejisay in Duqeymo ay ka fuliyeen Gobalka Mudug

0

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Alshabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia – hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kAl-Shabaab.

Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la wareegay madaxweyne Biden waxayna arrintaasi wax xoogaa buuq ah ka dhalisay Washington.

Khamiistii, seddex senetar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden in uu ku guuldareystay inuu raadsado ogolaansho duqeyntii ugu horeysay ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, waxayna sheegeen in loo baahan yahay isla xisaabtan ku aaddan ammaanka qaranka.

Deegaannada Gobolka Mudug ee uu duqeymaha ka fuliyay Mareykanka ayaa waxaa xilligan ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay fulinayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ad
Previous articleGabar yar oo Gobalka Mudug ugu geeriyootay dhiigbax ka dhashay Gudniin Lagu sameeyay
Next articleWasiirka Amniga Galmudug oo ujawaabay ilhaan Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here