Home Wararka Maanta Darawal kale oo Moota bajaaj oo Goordhow Markale Lagu Dilay Muqdisho iyo...

Darawal kale oo Moota bajaaj oo Goordhow Markale Lagu Dilay Muqdisho iyo Xaalada Oo kacsan

0

Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd darawal Mooto Bajaaj ku dilay magaalada Muqdisho.

Dilkan oo ka dhacay Isgoyska Jubba oo ka tirsan degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegaya in askarta dilka u geysatay ay kaxeysteen Mootadii uu watay marxuumka.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa hadda ka socda banaanbax xooggan oo ay dhigayaan qaar kamid ah dhallinyarada ku shaqeesata Mootada, oo ka gadoodsan dilka oo gyestay darawal kamid ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka dhigaya banaanbaxa oo careysan ay sheegay in aysan ka tageynin goobta illaa la keeno askariga dilka geystay.

Dilka maanta ayaa imanaya, iyada oo shalay un uu askari illaalo u ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu agagaarka Laamiyaraha Zoobe ku dilay wiil dhallinyaro ah, oo kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka ay askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ay u geysanayan darawalada wada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo dhibane u noqday askarta dowlada.

Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka Booliska ayaa inta badan sheega inay waxa ka qabanayaan dilalka soo noq-noqday ee ciidamada dowladda ka geysanayaan magalaada Muqdisho, haddana ma muuqato wax iska badalay arrintaan oo noqotay mid maalinle ah oo la nool yihiin dadka caasimada.

Ad
Previous articleMareykanka iyo afar dal oo war culus kasoo saaray dagaalka Laascaanood
Next articleBooliska gobolka Banaadir oo war ka soo saaray moota Bajaajle galabta lagu dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here