Home Wararka Somaliya Maxaa ku Soo Kordhay Saadaq Joon oo la wareegay Shirkoole

Maxaa ku Soo Kordhay Saadaq Joon oo la wareegay Shirkoole

0

Xiisadii ka dhalatay weerarkii DF damacsaneyd iney ku qaado Saadaq John iyo ciidamadiisa ayaa qabowday saqdii dhexe markii dib loo soo celiyey ciidamadii Haramcad ee howlgalkaas fulin lahaa.

Saadaq John oo watay ciidamo fara badan iyo gaadiid dagaal ayaa caawa saldhigtay degaanka Shiirkole oo ku dhow Wasaarada Gaashaandhiga Somalia.

Ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad ayaa ka dib lagu daadiyey xaafado ku dhow Shiirkole, kuwaasoo qorshohoodu ahaa iney weeraraan taliye Saadaq Joon iyo ciidamadiisa.

Arrintaas ayaa xiisad iyo xaalad kacsanaan ka dhalisay magaalada Muqdisho, waxaana baraha bulshada ka bilowday olole qabyaaladeed oo ku baaqaya in Saadaq Joon laga difaaco ciidamada DF, kaasoo ay wadeen xildhibaano, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameeyo ku heyb ah Saadaq Joon.

Warar aanu ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in RW Rooble iyo Madaxweyne Qoor-Qoor oo halkaas kulan xasaasi ah ku yeeshay ay isku afgarteen inaan la joojiyo howlgalka ka dhanka ah Saadaq Joon taasoo sababtay in dib loo soo celiyo ciidamadii fulin lahaa weerarkaas.

Shacab fara badan ayaa caawa ka qaxay xaafada Shiirkole markii ay arkeen ciidamada iska horjeeda oo xaafadaas ka xirtay difaacyada, waxaana dadka degaanka qaarkood sheegayaan in ciidamada halkaas joogay ay amar ku si

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo jawaab Deg Deg ah udirtay Beesha Caalamka (Akhriso)
Next articleCiidamada XD ee ku sugan Galmudug oo dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here