Muddo Sanad ah ayaa laga Joogaa Markii Cabdikariin Qalbi dhagax Lagu Wareejiyay Itobiya.

Maanta oo kale sanadkii hore 2017 waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho laga dhoofiyay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax, oo ka mid ahaa Saraakiisha ONLF.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaas u gacan gelisay dowladda Itoobiya,

Waxaana xilligaas wax laga weydiiyay Ra’isul Wasaare Khayre Wasiirka Amniga Taliyaha NISA ee Xiligaas Mudane Sanbaloolshe, iyo Saraakiil kale, Kulan Su’aalo weydiin ahaa oo ka dhacay madaxtooyada soomaaliya,

Inkastoo ay isku soo aadeen kulanka Su’aala weydiinta iyo sheegashada itobiya, ee ah in loo soo gacan geliyay Qalbi dhagax ayaana dowladu Faah faahin isla Habiinkaas, Laakiin Kulankii wasiirada ee xilligaas dhacay ayaa lagu faah faahiyay.

Tallaabada dowladda Soomaaliya ugu dhiibtay Itoobiya C/kariin Qalbi Dhagax waxaa ka carooday shacabka Soomaaliyeed oo u arkayay dhiibitaankaas mid qaldan, waxaana ay ku weyday taageero badan.

Laakiin qalbi dhagax Hada dib ayuu uhelay Xuriyadiisa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*