Home wararka Dalka Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Dalka Suudaan oo Muqdisho soo gaaray, iyo...

Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Dalka Suudaan oo Muqdisho soo gaaray, iyo Hay’ada NISA oo Ka Hadashay.

0

Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka dalka Sudan Gen. Salah Abdalla Mohamed (Salah Gosh) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Sida goor dhow lagu shaaciyay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen uu soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaninayay Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka dalka Sudan (NISS) oo booqasho rasmi ku yimid magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa la geeyay Xarunta Taliska Nabadsugida ee loo yaqaano (Habar Khadiijo), halkaasoo wada hadalo kula leeyihiin Hoggaanka Hey’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka Taliyaha Nabadsugida Sudan uu ka dambeeyay martiqaad ay Hey’adda Nabadsugida u dirtay, waxaana jiray kulan dhowaan magaalada Khartoum ku dhex maray Taliyaha Nabadsugida Sudan Salah Gosh iyo Fahad Yaasiin ka hor inta aan loo magacaabin Taliye kuxigeenka Nabadsugida.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada Xasilinta ay xireen dhowr waddo oo halbowle u ah isu socodka xaafadaha Muqdisho.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here