Home Wararka Maanta Hogaamiyaha SSC khaatuma oo Ku dhawaaqay inay ka baxeen puntland kana qaybgalayn...

Hogaamiyaha SSC khaatuma oo Ku dhawaaqay inay ka baxeen puntland kana qaybgalayn Doorashada Maamulkaas

0

Hoggaamiyaha KMG ka ah ee SSC-Khaatuma oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ka hadlay arrimaha soo kordhay ee ku aadan doorashooyinka maamul goboleedka Puntland.

Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa ugu horreyntii boggaadiyay tallaabadii ay shalay ay qaadeen Isimada Dhaqanka SSC oo shaaciyay inay ka baxeen Puntland.

Hoggaamiyaha ayaa sii xoojiyay go’aankaasi, wuxuuna soo saaray amar ku socdo dhamaan dadka reer SSC, isaga oo ku dhowaaqay in aysan jiri doonin qof kasoo jeeda deegaankooda oo ka qayb-geli doona doorashada ka dhaceysa maamulka Puntland.

“Ma jiri doono qof deegaannada SSC-Khaatumo ka soo jeeda oo ka qaybqaadan doona doorashooyinka loo madlanyahay ee Dawladda Puntland, sidoo kale ma jiri doonaan cid SSC-Khaatumo ku meteli doonta goleyaasha Maamulka Puntland” ayuu yiri Firdhiye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aankan uu yahay mid ku yimid rabitaanka shacabka SSC-Khatuma, ayna tahay in lagu ixtiraamo, maadaama ay dhisteen maamul gaar ah.

“Cid walba waxaan ugu baaqayaa in ay ixtiraamaan go’aanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo” ayuu mar kale yiri hoggaamiyaha KMG ka ah ee SSC-Khaatuma.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xiriirka labada maamul, wuxuuna sheegay in SSC iyo Puntland uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer iyo walaalnimo, ayna sii adkayn doonaan.

“Shacabka labada Maamul ee Puntland iyo SSC-Khaatumo waxaa ka dhexeeya xidhiidh aad qotodheer kaas oo aanu markasta xoojin doonno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Arrintan ayaa keentay jahwareer kale oo siyaasadeed, maadaama ay horay Puntland ula daala dhaceysay khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka maamulkaasi.

Ad
Previous articleAlshabaab Oo Dagaal Culus oo laisku Riiqmay kadib La wareegay Deegaanka Daarunimca
Next articleWiilka Falastiiniga ah ee geeridiisa ka dib ay u rumowday riyadiisii ahayd inuu caan ka noqdo YouTube-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here