Home jubaland Faafaahin Magaalada Kismaayo Wiil Aabihiis Qoorta ka Jaray xili uu..

Faafaahin Magaalada Kismaayo Wiil Aabihiis Qoorta ka Jaray xili uu..

0

Degaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 30km u jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa galabta wiil dhalinyaro waxaa uu ku diley Aabihiis.

Wararka ayaa sheegaya in wiilkan uu dilka aabihiis u adeegsaday Baangad uu qoorta kaga jaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland oo ku sugnaa degaanka Buulo Gaduud ayaa  gacanta ku dhigey wiilka aabihiis dilay oo haatan ku jira xabsiga sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliska Kismaayo Warsame Aadan.

Lama oga illaa hadda sababta ku xambaartay wiilkan inuu dilo aabihiis, iyadoo saraakiisha booliska Kismaayo ay sheegeen iney baaritaan ku hayaan, hase ahaatee warar laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya inuu jiray dilka ka hor muran dhexmaray wiilka iyo aabihiis.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here