Home Wararka Somaliya Baarlamaanka Puntland oo maanta ka shiraya Xeer uu u gudbiyay Madaxweyne Deni

Baarlamaanka Puntland oo maanta ka shiraya Xeer uu u gudbiyay Madaxweyne Deni

0

Maanta oo sabti ah ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland ay kulan ku yeeshaan Xaruntoda Magaalada Garoowe kadib fasax ay ku jireen muddo saddex maalmood ah.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland oo ay horyaalaan Shaqooyin dhowr ah ayaa waxaa ay Maanta ka doodi doonaan Hindise-xeereedka dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo Madaxweynaha Puntland u soo gudbiyey.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa la filayaa in dood dheer kadib ay ansixiyaan xeerkan dhawrista goobaha Taariikhiga ah, kaas oo la sheegay in uu muhiim yahay.

Xeerka  dhawrista goobaha Taariikhiga ah ayaa waxaa horay akhriska labaad u mariyay guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee golaha, iyada oo manta la filayo in la ansixiyo.

Ad
Previous articleTirada Dadka lagu dilay Koonfur Afrika oo kor u dhaaftay 200 Boqol Somali oo qeyb ka ah
Next articleGermalka Tirada Dadka ku dhintay Daadadka oo sii kordheysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here