Home wararka Dalka Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray dowladda iyo shacabka dalka Kuwait

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray dowladda iyo shacabka dalka Kuwait

0

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambaliyeeyay Amiirka iyo shacabka dalka Kuwait sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegtay xurriyadda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxadda la qeybsanayaan walaalaha Kuwait oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee xornimada ay ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sida markasta ay uga go’antahay kor u qaadistiisa.

Madaxweynaha oo uga mahad celiyey shacabka iyo dowladda Kuwait sida joogtada ah ee ay u garab istaagaan Soomaaliya, ayaa u rajeeyey horumar dheeraad ah iyo farxad waarta

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here