Home Wararka Maanta Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Badankood aan Imaan doonin Shirka Xasan shiikh ku...

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Badankood aan Imaan doonin Shirka Xasan shiikh ku Casuumay

0

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah shirka Madasha Wadatashiga Madaxda DFS iyo DG, ka qeybgalka Madaxweynayaal gobaleedyada ee jaalka ahaa villa Somalia, qaarkood ayaa shaki kujiraa, waxayna sheegteen cududaar labo kamid ah, oo mid kamid ahn uusan wali cadeynin waqtiga rasmiga ah ee uu madasha tagi karro, isagoo sheegay in uu arrimo caafimaad ku maqan yahay.

Sidaas oo kale, madaxweyne goboleed kale ayaa sheegaya in uusan Isniinta kahor tagi karin Muqdisho, iyadoo ay jiraan xogo kale oo kuwajahan ajendaha ay madaxda D/gobaleedyada wataan.

Mudug24 ayaa ogaatay in madaxda dawlad gobaleedyada wada hadal ay yeesheen, ay isku soo qaadeen in ay Madaxweyne Xassan Sh hordhigeen kala doorashada labo qodob oo ah kuwa adag.

1- In ay helaan Mudo kordhin 2 sano oo Madaxtooyada Soomaaliya ku dhawaaqdo, eedana qaado, ka dibna loo diyaargaroobo doorasho qof iyo cod ah oo guud ahaan dalka ka dhacda, oo sidaas lagu hirgaliyo dastuurkii cusub-baa.

2- Iyo In ay Doorashadooda hadda qabsadaan oo ay u madax banaan yihiin, taas oo kadhigan in aysan sharci aheyn Cutubyadii dastuurka, ayna doorasho Dad-ban hadhaw kuqasbi doonaan MW Xassan Sheekh.

Ad
Previous articleFaahfaahin Ciidanka SSC oo gacanta ku dhigay Gudoomiyihii Maxkamada G/Sool ee Somaliland
Next articleDeni oo kuwajahan Kenya Kadib Dagaalkii Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here