Home Wararka Maanta Madaxweynaha Khaatuma State oo Talaabo ay ka Xumaatay Puntland Qaaday

Madaxweynaha Khaatuma State oo Talaabo ay ka Xumaatay Puntland Qaaday

0

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in deegaanada Khaatumo aysan ka dhicin doonin doorashada soo socota ee Puntland, taas oo haatan loo diyaar garoobayo.

Hoggaamiyaha SSC ayaa gebi ahaan ku gacan seeray doorashada Puntland, haddii ay noqon laheyd  qof iyo cod ama xittaa xulistii isimada noqotoba.

Sababta waxa uu ku sheegay in reer SSC-Khaatumo ay haatan yeesheen maamul cusub, isla-markaana ay go’aan ku gaareen inay ka tashadaan aayahooda iyo kan deegaankooda.

“Dadka ka soo jeeda SSC, doorashada soo socota ee Puntland kama qayb gelayaan, dadka deegaanka ayaa sidaa go’aansaday, odayaashii soo xuli jiray ayaana go’aankaa qaatay” ayuu yiri Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ilaalin doonaan darisnimada iyo nabad-gelyada kala dhexeysa Puntland, balse ay noqon doonaan hadda kadib laba maamul oo daris ah.

Maamulkaas aan wax ka dhisnay ee reer Puntland nabad-gelyadiisa, horumarkiisa iyo iskaashigiisa baanu diyaar u nahay, Waxaanu diyaar u nahay inaan ahaano laba maamul oo daris ah oo walaalo ah oo iskaashada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha SSC.

Arrintan ayaa ka dhigay in dadka reere SSC aysna soo xuli doonin 17-kii Xildhibaan ee Puntland doorashadeeda ka qeybgali lahaa horraanta sanadka soo socda ee 2024-ka.

Si kastaba, arrintan ayaa abuuri karta xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhex dhacda Laascaanood iyo Garoowe, taas oo saameyn ku yeelata labada dhinac.

SSC oo dagaal adag la gashay Somaliland, isla-markaana garab uga heshay Puntland ayaa hadda dooneysa inay noqonto maamul goboleed madax bannaan, taas oo ay hadda kala macaamiliso dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama Muqdisho lagu casuumay

Ad
Previous articleMadaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo wacad ku maray inay garab siin Doonaan Israel
Next articleMuuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed oo Dilnarxan dara ah ugaystay Yusuf Cabdi Axmed oo Xukun Adag lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here