Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyey doorashooyinka dalka Turkiga iyo Cida La Filaayo inay soo...

Wararkii ugu dambeeyey doorashooyinka dalka Turkiga iyo Cida La Filaayo inay soo baxdo

0

Muwaadiniinta Turkida ah ee qurba-joogta ah ayaa bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turkiga taasi oo ay ku herdamayaan Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu, oo doonaya in uu soo afjaro xukunka madaxweynaha ee labaatanka sano uu dalkaasi maamulayay.

Doorashada ku celiska ah ayaa Turkiga ka dhaceysa 28-da bishan oo ku beegan Axadda danbe, waxayna timid ka dib markii Erdogan uu waxyar uun ka hoos maray tiradii loo baahnaa oo ahayd in ka badan %50 (konnton boqolkiiba) taasi oo u saamixi lahayd in uu ku guuleysto tartankii ugu adkaa ee uu waligiis galo.

Ilaa 3.4 milyan oo qof oo Turki ah oo qurba-joog ah ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan, iyagoo ka mid ah 64 milyan oo qof oo ka codeynaya guud ahaan doorashada dalkaasi. Qurba joogta ayay codeyntoodu socon doontaa 20-ka illaa 24-ka bishan.

Wakaaladda wararka ay dowladdu leedahay ee Anadolu ayaa warisay in codeyntu ay ka bilaabatay dalal badan oo ku yaalla Aasiya iyo Yurub. Jarmalka oo ah halka ay ku nool yihiin diyaasbarada ugu badan ee Turkiga ayay 1.5 milyan oo qof oo Turki ahi xaq u leeyihiin in ay codkooda dhiibtaan.

Ad
Previous articleWasiirka Farax Shiikh Cabdulqadir oo sheegay iney joojiyeen ceebeynta dad ku kacay arrin ka yaabisay
Next articleRaysulwasaaraha UK: Waa qasab inay Ukraine ku guleysato dagaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here