Home wararka Dalka Dhageyso Puntland oo ka hadashey Sadax ruux oo Qoorta laga jaray iyo...

Dhageyso Puntland oo ka hadashey Sadax ruux oo Qoorta laga jaray iyo Ciidan la layahay Wali…

2

Kooxada argagixisada ah ee Alshabaab ayaa maantay hoobiyayaal ku weeraray ciidanka Puntland halka Daacish ay madaxyada 5 kamid ah dadkii ay dhawaan afduubteen soo dhigeen tuulada Gardaadin iyo Karimo oo qiyaastii u jirta Degmada Qandala 55KM taas oo shacabku ka argagaxeen.

Dhaawaca ciidanka Puntland ee Alshabaab weerareen waxaa loo qaaday magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaso Xarunta gobolka Bari. Meesha uu shilku ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Af-urur.

Waxaa jirta dhimashada laba askeri oo lasoo sheegayo warkaas oo aan weli la xaqiijin laakiin dhaawaca lixda askeri ah ayaa afar kamid ah dhaawacoodu culus yahay.

Sadexda ruux ee madaxyadooda la soo dhigay tuulada Karimo, waxay kamid ah ahaayeen 5 qof oo kooxda Daacish, afduub ugala degeen gaari kadib markii asbuucii hore ay jidka u galeen baabuur shacab iyo ciidanka Puntland saaran yihiin halka labo kale ay dhigeen tuulada Gardaadin.

Dhinaca kale waxaana weli la la’yahay laba nin oo da’ ahaan la sheegay in ay rag waa weyn ahaayeen oo ka mid ahaa dadka la afduubtay.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

  1. MAA ARGAGAXISO EE WAA KOOX LOO SAMAYSTAY IN DUNIDA MUSLIMKS LAGU DHIBO,WAANA OLOLE CAALAMIYA OO DIINTA MUSLIMKA & DADAKA MUSLKIMKA KU WAJIHAN,DABCAN DAWLADAHA DUNIDAN UGU TUNKA WEYN BAA FANGARAYNAYA OOSOO DIRSADAY,,FIIRO GAARA;-ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE,,,ISIS ISNOT MUSLIMS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here