Home wararka Dalka Akhriso Magaca Ganacsade lagu Dhaawacay Xalay Magaalada Hobyo kadib Markii”

Akhriso Magaca Ganacsade lagu Dhaawacay Xalay Magaalada Hobyo kadib Markii”

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Hobyo ee Dowladda Galmudug ayaa sheegaya in halkaa lagu dhaawacay Nin Ganacsade ah oo si weyn looga yaqaano Magaalada Hobyo ee Dowladda Galmudug.

Ganacsadaha ayaa magaciisa waxaa lagu soo gaabiyay Cuti,waxaana uu ka mid ahaa Ragga ka Ganacsada Malaayga iyo Aargoosatada.

Goobjoogeyaal ayaa noo xaqiijiyay in Ganacsadaha lagu Weeraray Gurigiisa islamarkaana 5 Nin oo wata Midiyo ay si xun u dhaawacen,waxaana la soo warinayaa in Dhaawac Culus uu ka soo gaaray Tooreeyadii lala dhacay.

Maamulka Degmada Hobyo ee Dowladda Galmudug ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan Kooxdii falka Dhaawaca ah geysatay.

Hayeeshee wali lama oga waxa Sababay Weerarka lagu dhaawacay Ninka Ganacsadaha ah ee Xalay lagu Weeraray Gurigiisa oo ku yaalla Magalada Hobyo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here