Home Wararka Maanta Lloyd Austin oo Amaan kala Dul dhacay Ciidamada Xooga Dalka ee Alshabaab...

Lloyd Austin oo Amaan kala Dul dhacay Ciidamada Xooga Dalka ee Alshabaab ka Saaray Dhul Badan oo Galmudug ku jirto

0

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab balse waxa uu ka digay in kooxdu ay wali ku xooggantahay meelaha qaar.

“Waxaan filayaa inay ciidamada Soomaaliya sameeyeen horumar ka badan kuwii la sameeyay shantii sano ee la soo dhaafay,” ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Jabuuti.

Austin ayaa shalay magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo qeyb ka ah booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago qaaradda Afrika isagoo ah xoghayaha difaaca Mareykanka.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo Jawaab Adag Siisay Madaxweynaha Dalka Uganda
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Wafdi Culus Xili Dhuusamareeb kusoo laabtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here