Home Wararka Maanta Nin dilaa ah oo loo diiwaan geliyay inuu isku gubay gudaha xabsigii...

Nin dilaa ah oo loo diiwaan geliyay inuu isku gubay gudaha xabsigii uu ku jiray oo la qabtay

0

Nin kufsi iyo dil loo haystay oo ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Koonfur Afrika, kaddib markii uu been abuur ka sameeyay geeridiisa ayaa lagu xiray dalka Tanzania.

Thabo Bester ayaa muddo sanad ah ka maqnaa xabsiga ka dib markii loo maleyay inuu dhintay oo isku gubay gudaha xabsigii u uku jiray.

Baadi-goob ayaa la bilaabay bishii hore ka dib markii baaritaan cusub oo la sameeyay lagu ogaaday in meydka laga helay gudaha xabsiga uusan ahayn Thabo Bester.

Bester ayaa Jimcihii la qabtay isaga iyo saaxiibtiis iyo tuhmane saddexaad, waxaana loo gudbin doonaa Koonfur Afrika.

Booliska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in saddexdaasi qof ay damacsanaayeen inay u baxsadaan dalka deriska la ah ee Kenya.

Bester waxaa loo yaqaanaa “kufsadaha Facebook” isagoo u isticmaalaya barta bulshada si uu u soo jiito dumarka uu kufsanaya.

Waxaa sannadkii 2012-kii lagu xukumay dambiyo la xiriira kufsi iyo dil uu u geysty saaxiibtiis Nomfundo Tyhulu. Sanad ka hor, waxaa lagu helay dambi ah inuu kufsi iyo dhac u geystay labo dumar ah oo kale.

Bishii Maajo, ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay qolkiisa ka dib markii uu “isku gubay” Xarunta Asluubta ee Mangaung ee magaalada Bloemfontein.

Hase yeeshee, warbaahinta maxalliga ah ayaa bilowday inay shaki ka abuurto dhimashada Bester dabayaaqadii sannadkii hore.

Bishii Maarso, booliisku waxay fureen baaritaan cusub oo la xiriira dilaaga ka dib markii baaritaanno dheeraad ah lagu ogaaday in qofka dhintay uusan ahayn Bester – iyadoo qofka dhintay ee aan la aqoonsanna uu u dhintay dhaawac ba’an oo madaxa ka soo gaaray.

Shaqaale ka tirsan shirkadda amniga qaabilsan ee G4S ee laga leeyahay dalka Britain, oo maamulayay xabsiga uu ku jiray, ayaa lagu eedeeyay inay gacan ka siiyeen inuu baxsado.

Waxa ay sheegtay in saddex ka mid ah shaqaalahaasi shaqada looga eryay falkaas dartiis.

Horaantii todobaadkan, wakiilada shirkadda ayaa ku guuldareystay inay ka qeybgalaan kulan baarlamaanka ka dhacay oo looga hadlayay baxsashadii Bester. BBC waxay la xiriirtay shirkadda G4S si ay jawaab uga hesho balse wax jawaab ah kama aanan helin.

Waxaa jiray warar sheegayay in sannadkii la soo dhaafay la arkay Bester, oo ka dukaamaysanayay xaafad hodan ah oo ku taal Johannesburg, uuna ku noolaa guri oo ku yaalla magaalada.

Baxsashada Bester ayaa caro ka dhalisay Koonfur Afrika, taasoo ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan xadgudubyada galmada ee adduunka.

Ad
Previous articleGantaalo ka yimid Siiriya oo ku dhacay Israaiil & xiisada Bariga dhexe oo Kacsan(Sawiro)
Next articleGuddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Galmudug oo iscasilay iyo Hirshabeele oo Xil U magacowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here