Home Wararka Maanta Wasiirka Maalyada ee Xilka Laga Qaaday oo Ka Hadlay Xilka Qaadistii lagu...

Wasiirka Maalyada ee Xilka Laga Qaaday oo Ka Hadlay Xilka Qaadistii lagu Sameeyey

0

Wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Cilmi Maxamuud Nuur oo qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa sheegay intii uu xilka haayay uu  hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay xilka qaadista lagu sameeyay.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasiirkii Maaliyadda.

Waxa ay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa.

Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.

Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nidaamka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool  ah  ugu adeegno dadkeena.

Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle  u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah.

Ad
Previous articleXeer ilaaliyaha Qaranka Oo Masuuliyiin Hor leh uu Gudbiyay Maxakamada
Next articleWasiir Roboow oo lagu eedeeyey inuu Dhacay lacag Dhan $5Million oo Doolar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here