Home puntland Tedros Adhanom Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya iyo Jeneraal Gabre oo ah Laba...

Tedros Adhanom Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya iyo Jeneraal Gabre oo ah Laba Nin oo Tigre ah oo Duleystey Daba Dhilafyo Liitana ka Dhigey sida,,Qoral Xiiso leh Akhriso,,

1

Nin Maraykanka madoow ah oo qabanqaabiya ciyaaraha feerarka “american boxing promoter” oo la yiraahdo Don King ayaa habeen feer culus dhacayey, markuu u soo socodey goob tartan feerka ah uu ka dhacayey ayuu gaarigiisa qaaliga ah ee Limoosiinka “limousine” kusoo qaaday horyaalkii feerka culus ee waqtigaas Joe Frazier oo uu si gaar ah u xiiseynayey. Mr Frazier wuxuu habeenkaas la ciyaarayey feeryahanka kale ee caanka ah ee George Foreman oo habeenkaas laftiisu rabay inuu horyaalnimada ka qaado Joe Frazier.

Siduu George Foreman rabay bay u dhacday ciyaartii feerka oo wuxuu dhulka dhigay Joe Frazier dabadeedna halkaas buu ku qaatay suunkii dahabka ahaa. Waxaa hadaba dhacdey oo dadkii ka yaabiyey in markii feerkii dhamaadey Mr Don King oo ahaa ninkii qaban qaabiyey ciyaartaas feerka oo markii hore gaarigiisa kusoo qaaday Joe Frazier ayaa wuxuu markii dambe qaaday ninkii guulaystay ee ahaa George Foreman!

Sheekadan waxaan u soo qaatey Itoobiya habka ay kula dhaqanto siyaasiyiinta soomaalida waa sidaas. Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed Itoobiya kalama jecla. Haddii mid jooga gobol ay isku fiicaanaayeen mid kale intay dagaalamaan la eryado iyagu waa Itoobiyaanka waxey la jiraan kan xoogga roonaaday. Dhulka Soomaalida oo dhan sidaas bay ula dhaqmaan. Dad baa u qaba in Itoobiya madaxda soomaalida kala jeceshahay!

Waligiin soomaaliyey ma aragteen qof cadowgiisii gumaysanayey gabbaad ka dhiganaya iyo gacal waa sida haatan ay u dhaqmaan madaxda soomaalida? Labada nin ee cadawga soomaaliya ah waa Tedros Adhanom Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya iyo Jeneraal Gabre oo ah Laba Nin oo Tigre ah oo ku howlan halaaagga iyo bur burinta waddankeena sidee uga filaynaa iney soomaaliya la doonayaan wanaag iyo qeyr Alleylehe murtidii Soomaaliyeed guud ahaan iyo tii Xabashida laga yiri dhego awdan bay ku dhaceen. Ina Gahayr oo ka mid ahaa gabayaagii soomaaliyeed ayaa mar uu gabay ku cabirey sida Xabashida u arkayey ayaa waxuu yiri:

Wallee ama gufaacada ka qaday guga la eegaayo
Wallee ama Guhaadoow waxaan geysto lala yaabye
Gacmahayga jeeraan sidii Guray ku ciil beelo
Ama aan Gaal madoow Harar ku dilo Giiba laga noole.

Soomaliyey xaalku waxuu taagan yahay:

Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane
Maanaa mindiyo ley qarshaa la igu qali doono.

W/Q Cabdi Waaxid Cabdulahi.

gabre

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here