Home puntland Maqaal- waa in aanu ka dhiidhinaa dhagarta Dulmiilayaasha umadeena kala dilaya By...

Maqaal- waa in aanu ka dhiidhinaa dhagarta Dulmiilayaasha umadeena kala dilaya By Abwaanad Sahro Daahir Mire,,

0

waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadwaynaha soomaaliyeed ee ku nool degaanada Galmudug state in ay ka digtoonaadaan Fidnada ay kula dhex meeraysanayaan, qaar ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka oo markii ay ku fashilmeen shaqadii Qaranku ka sugayay ku dhaqaaqay in ay sii kala fogeeyaan dadwaynaha walaalaha ah ee waligood dariska ahaa.ee ku nool degaanada Mudug,

waxaan leeyahay dadwaynuhu way ka dhargeen dhibkiina iyo mooshinkiina marin haboowsan.ha ugu darinina umada inaad ku baayactantaan dhiigooda idinkoo ay ujeedadiinu tahay xukun iyo xil sidii aad ku heli lahaydeen, hadii ay caawimadu run idinka tahay waxaa jirtay waqtiyo aad u qaraaraa oo ay soo mareen dadka degaanadaasi, kii dhuumanaaayoo dhabarkiisu muuqdoow waa dharaar lagu dhowrayaaye dadkaaga dhinac ka raac yaanad dhumine dhinac ka raac ayaan leeyahay,

dadkaygoow digtoonoow
duli iyo dakana qabe
daalimiintii may harin
yaan la isku kiin dirin
dulmiloow idiin rarin
danihiisa gaarkaa
dadaalkiisu weeyee
damaciisa doqonkaa
diidnay maad tiraahdaan

dadkaygoow digtoonoow

sahra

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here