Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Mid kamid ah Nabadoonadii Ka horyimid Alshabaab oo La Dilay

Mid kamid ah Nabadoonadii Ka horyimid Alshabaab oo La Dilay

0

Nabadoon Gaabow Buule Xasan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Awdheegle ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana la aaminsan yahay inay dishay kooxda Al-Shabaab.

Isaga oo sooman maalintiisii 29-aad, daqiiqado ka hor inta aan la afun ayaa galu dilay xaafadda Siligga Americkaanka ee degmada Wadajir, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilay marxuumka.

Gaabow Buule wuxuu ahaa nin oday ah oo markii lasoo tago masuuliyadda uu ka haayey Awdheegle nabadoon u ahaa beeshiisa, da’da 70 sano jir ayuu caawa ku geeriyooday.

Ninkaan ayaa ka mid ahaa odayaashii gobolka Shabeellada Hoose ka bilaabay dagaalka Khawaarijta, wuxuu ahaa nin ay aad u necebyihiin, Awdheegle waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu horeeyey ee dagaalka culus ay kala kulmeen Al-Shabaab.

Hoggaanka bulshada Shabaab-ka neceb ee ku nool degmada Awdheegle ayuu ahaa ninkaan caawa lagu dilay Muqdisho, waana nabadoonkii labaad oo Muqdisho lagu dilay habeenkii labaad oo xiriir ah, nabadoon kale ayaa xalay lagu dilay xaafadda CC ee degmada Deyniile.

Sidoo kale Nabadoon Gaabow Buule wuxuu ka mid ahaa odayaashii soo xulay ergooyinkii soo doortay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Awdheegle waxay ka mid tahay degmooyinka ay dadka ku nool ugu necebyihiin kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, marar badan ayey isku dayeen inay dib u qabsadaan, balse uma noqon, wuxuuna nabadoonka caawa la dilay laf-dhuun gashay ku ahaa kooxdaas.

Labo nin oo Bastoolado ku hubeysan ayaa dishay Nabadoon Gaabow, xili u uku sii jeeday xaafad uu ka afuri lahaa, laakiin waxay toogteen isagoo Sooman maalintii 29-aad, halkaas ayuu ku geeriyooday, iyaguna waa baxsadeen.

Ad
Previous articleSafarada Maraykanka oo shaacisay Weeraro Culus oo lagu Qaadi Doono Garoonka Muqdisho
Next articleDowlada Soomaaliya oo Dalbatay in losoo Diro Ciidan Ajaanib ah oo Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here