Home Wararka Maanta Cosoble oo si Cajiib ah  uga hadlay xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho

Cosoble oo si Cajiib ah  uga hadlay xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho

0

Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhalatay roobkii ka da’ay caasimada.

Cosoble ayaa sheegay in wasakhda iyo nadaafad xumada caasimada ee banaanka usoo baxday kadib roobabkii da’ay ay sababteeda leeyihiin dadka degan, taasi oo uu eeddeeda ka difaacay maamulka gobolka iyo kan dowladda federaalka Soomaaliya.

“Aniga eeda ma saarayo maamul gobol iyo dowlad federaal toona ee waxaan eeda saarayaa shacabka faraha badan ee haddana wax ma garadka u sii badan ee soo galay magaalada rabana iney ku noolaadaan kana shaqeystaan ee degay meel walba ee ay u arkaan iney dabada la geli karaan iyo kuwa cunnada iyo shaaha ku kariya dhinacyada waddooyinka,” ayuu yiri Cosoble oo si yaab leh uga hadlay xaaladda taagan.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;

Haddaan Muqdisho ka soo qaado sida qof oo kale, waxaan dhihi lahaa waa qof aan kaadida iyo saxarada iska dhaqin oo wejiga, gacmaha iyo lugaga oo keliya iska dhaqa bulshadana dhex socda.

Muqdisho aad bey uga hooseysaa heer lagu tilmaami karo caasimad waddan ama xataa magaalo caadi ah. Wexey ku socotaa iney la mid noqoto aagga la yirahdo Kibera Slums ee ku yaalla Nairobi.

Waxaase is weydiin mudan yaa leh eeda foolxumada, uskaga, qarmuunka, bulaacadaha fatahaya iyo waddooyinka isu beddelay balliyada ee aad Muqdisho ku arkeyso?

Aniga eeda ma saarayo maamul gobol iyo dowlad federaal toona ee waxaan eeda saarayaa shacabka faraha badan ee haddana wax ma garadka u sii badan ee soo galay magaalada rabana iney ku noolaadaan kana shaqeystaan ee degay meel walba ee ay u arkaan iney dabada la geli karaan iyo kuwa cunnada iyo shaaha ku kariya dhinacyada waddooyinka.

Xamarey qurun badaney xageen ku geeyaa, dadkaagii ayaa dayacee maxaan kuu sameeyaa, caasimad waad ka hoos martaye ma dadkaad rabtaa iney cudur u la’daan ee ma kukuuyo caasimad kaa soo saartaan kuu keenaa mase qudhaada inaad qaxootiyeyso ayaad rabtaa.

Waan ku arkaa oo waan la socdaa inaad is nacday ood xammili weyday urka kaa soo baxaya, dacda ku dul sabeyneysa iyo wasakhda sida bilaa naxariista iyo bilaa jaceylka ah ee lagugu daadinayo.

Waxaa kaloon la socdaa inaad waddankiina oo aad rabto inaad tahriibto er ma baddasd mari mase dowladaha deriskasd magan galyo siyasadeed weydiisan? Kolley wax uun waad sameyniye naga ilaali inuu magafe ku kaxeysto.

Caalamkow kaalaya ila daawada magaaladii quruxda iyo carafta badneyd ee Muqdisho sida loo galay.

Midda kalase yaa qaabilsan ilaalinta xuquuqda caasimadaha iyo magaalooyinka? Xamarey waxaan kugula talinayaa inaad qareen qabsato maxkamadda adduunkana ka dacwooto.

Ad
Previous articleYuuqow Caliyow Xaaji oo Qarax Ku Dilay Hooyo iyo Caruurteeda oo Maxkamada Lasoo Taagay
Next articleHooyada dhashay madigii ku dhintay shaqaaqadii Garowe oo hadashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here