Home Wararka Caalamka Xildhibaan UK oo lagu qabtay isagoo Daawanaya muuqaal anshax xumo ah iyo...

Xildhibaan UK oo lagu qabtay isagoo Daawanaya muuqaal anshax xumo ah iyo wixii ku dhacay.

0

Neil Parish ayaa BBC-da u sheegay inuu shaqada iska casilayo kaddib markii uu qirtay in laba goor uu baarlamaanka dhexdiisa ku daawaday muuqaallo anshax xuma ah.

Mr Parish oo metalayay magaalada Tiverton iyo Honiton tan iyo sanadkii 2010-kii, ayaa falkaasi ku tilmaamay “wax wali ah”.

Waxaa uu sheegay in markii hore ay si lama filaan ah gacanta ugu dhacday bogga interneedka ee tractor, balse markii labaad uu si ula kac ah ugu dhex daawaday aqalka baarlamaanka.

Waxaa jimcihii shaqada ka joojiyay xisbiga conservertive-ka sababo la xiriira eedeymaha loo soo jeediyay.

Laba xildhibaano oo ka tirsan baarlamaanka oo garab fadhiyay Neil Parish, ayaa sidookale ku adkeystay inay indhaha saareen isagoo daawanaya muuqaaladaasi anshax xumada ah.

Xisbiga muxaafidka ee gudaha ee xildhibaan Neil Parish ee Tiverton and Honiton aya sheegay inuu taageerayo go’aankiisa ku aaddan is casilaadda, iyagoo dhanka kalena ugu mahad celiyay adeegiisa.

Wareysi ay xaaskiisa hore u siisay wargeyska the Times, ayay ku sheegtay in eedeymaha loo soo jeediyay ninkeeda ay yihiin “wax aad looga xishoodo”, waxayna seygeeda ku tilmaamtay inuu yahay “qof af gaaban, wanaagsan oo iska caadi ah”.

Xildhibaanada lagu helo inay ku xad gudbeen xeerka anshaxa, waxay wajihi karaan ciqaabo ay kamid yihiin inbay raali geliyaan xubnaha barlamaanka ama shaqada laga joojiyo amaba laga saaro.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Ku Faanay Hal Arin Dowladiisu Qabatay
Next articleMuusa Biixi oo Cafis u Fidiyay Maxaabiis ka Badan 300

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here