Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Soo Fara Geliyay Xiisadda Ciidamaddii Laga Keenay...

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Soo Fara Geliyay Xiisadda Ciidamaddii Laga Keenay Eritrea oo Maalmahaan Buuq Xoogan ka Taagnaa

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii danbe ee maanta gaaray xerada Jeneraal Gordon ee ku taala degmada Hodan, halkaasoo ay ku xareysan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamadda lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Madaxweynaha oo wadooyinka ugu muhiimsan ee caasimadda galabta loo xiray ayaa halkaasi u tagay sidii uu u dajin lahaa ciidamadda oo qaarkood ka carooday hab dhaqanka dowladda, iyadoo dhawaan lasoo tabiyay in tiro askar ah ay xerada ka baxsadeen, kuwaasoo wali aan dib u soo laaban.

Sida xogaha ay tilmaamayaan, madaxweyne Xasan iyo saraakiisha ciidan ee wehlineysa ayaa kalmado isugu jira dajin, dhiira gelin, dardaaran iyo balnqaadba u jeedinaya ciidamadda oo hadafka laga leeyahay ay tahay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Shalay oo Jimce eheyd sidan oo kale waxa uu madaxweyne Xasan kormeeray xerada Maslax oo uu kula soo hadlay qaar kamid ah askartii laga keenay dalka Eritrea oo iyaguna halkaasi lagu xareeyay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale habeen kahor la kulmay ehelka askarta laga keenag Eritrea, iyagoo laga dalbaday iney soo celiyaan caruurtoodii lasoo tababaray ee xerada isaga baxsatay, dowladdana ay xalin doonto tabashooyinka ay qabaan.

Ad
Previous article13 jir Falastiini ah oo rasaas ku Dilay Askar ka Tirsan israaiil iyo Xisad Culus oo Taagan(Sawiro)
Next articleJubaland oo uu Ka Bilowday Dagaal Ka Dhan ah Alshabaab(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here