Home puntland Warbixin maxmed Mursi hadii la daldalo maxaa ka imaankara

Warbixin maxmed Mursi hadii la daldalo maxaa ka imaankara

0

Tv-ga Al-jazeera ayaa shaaciyay in Dowlada Masar ay wado qorsho ay maalinta Ciida ah ku dal daleyso Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi.

Tv-ga ayaa sheegay in xukuumadda af-gambiga ku timid ee dalka Masar, ay qorshaynayso in madaxwaynihii awoodda ciidan lagu muquuniyay Maxamamed Mursi la daldalo maalinta ciidal fidriga ee dhamaadka bishan Ramadaan.

Is afgarad dhexmaray Dowlada Masar, Mareykanka iyo Britain ayaa lagu ansixiyay in Mursi la dal dalo, waxa ayna Wasiirada qaar ee dalkaasi walaac ka muujiyeen sida uu xaalku noqon doono fulinta dal dalaada Mursi kadib.

Al-Jazeera ayaa ku warantay in ay aragtay nuqulo waraaqo ah oo ay xukuumadda Masaaridu u qaybisay safaaradaha shisheeye ee masaf fadhiguudu yahay, waraaqahaasi oo sheegaya dilka Maxamed Mursi.

Go’aanka dal dalaada ayaa imaanaya iyadoo horay Garsoorka wadanka Masar dil ugu xukumay Mursi iyo Hogaamiyeyaasha ururka Akhwaanul Muslimiin kadib markii lagu eedeeyay dilka dad rayid ah oo banaanbaxyo dhigayay iyo sir uu lahaa wadanka Masar oo loo gudbiyay Iran iyo kooxaha hubaysan ee bariga dhexe oo mursi lagu eedeeyay inuu xidhiidh la lahaa.

Dowladaha quwada leh ee reer galbeedka ayaa Dowlada Masar ku cadaadineysa in ruuxa la dhaafiyo Maxamed Mursi oo hadii la dilo ay isla qeyla dhaamin doonaan dunida carabta waana ujeedka kaliya ay Reer galbeedka ka damacsan yihiin kicinta Dowladaha Islaamka.

Wasiirka Maalgashiga Masar ayaa ka digay in Dowladu ay dal dasho Madaxweynihii hore ee Masar waxa uuna wasiirku yiri ‘’Dal dalaada Mursi waxa ay dhul gariir ku noqon doontaa dalalka islaamka. Xaalkuna waxa uu isu bedeli doonaa mid ay Dowladu ka qowmameyso waayo Masar waxa ay cagta saari doontaa wadada Ciraaq’’

Go’aanka dal dalaada Mursi waxa ay qilaaf ka dhex abuurtay Madaxda dalkaasi waxaana mar waliba laga cabsi qabaa in Masar ay ka dhacaan dagaalo ka awood badan kan hadda taagan.

Reer galbeedka ayaa ka soo horjeeda nagaanshaha, amaanka iyo xasiloonida ka taagan dalka Masar waxa ayna wadaan qorsho ay Masar albaabada ugu furi doonaan wadadii Jaxiimo.

W/Q Wariye Bashiir Ahmed Soofe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here