Home Wararka Maanta Booliska Oo war kasoo saaray Dilka Ganacdade Dhawaan lagu Dilay Muqdisho iyo...

Booliska Oo war kasoo saaray Dilka Ganacdade Dhawaan lagu Dilay Muqdisho iyo Taliyayaal loo Xiray

0

Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ka warbixiyey dadka loo soo qabtay dilkii ganacsade Abuukar Axmed Kaabax, kadib mowjado hadal-heyn ah oo saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada qabsaday, kadib markii kiiskaas laga reebay warbixintii toddobaadlaha aheyd ee Booliska.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Korneyl Qaasin Axmed Rooble oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in 7-qof loo soo qabtay dilkii ganacsade Abuukar oo laga afduubtay xili habeen ah degmada Heliwaa, kadibna meydkiisa laga helay degaanka Garasbaaley.

“Geerida wiilkaas waa mid aad u xanuun badan, sida baaritaanka kiiskaas sida boolisku ugu dadaalay ma jiro kiis loogu dadaalay, waxaa loo soo qabtay 7 qof oo taliyihii booliska Heliwaa uu ku jiro, Cabdifitaax ayaa la dhahaa ninkaas, afar askari iyo labo shacab ah ayaa la eedeysan oo lasoo xiray,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Wuxuu xaqiijiyey in dadkaasi kala yihiin taliyihii booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye, afar askari oo ilaaladiisa ah iyo labo qof oo shacab ah, kuwaas oo toos loola xiriirinayo kiiskaas dilka ah.

“Taliyaha qeybta guud ee booliska ayaa soo qabtay ninkaas iyo askartiisa wuxuu geeyey CID, waxaa u timid xeer ilaalinta, waxaa kiiska loo xil-saaray guddi, sharciga ayaa la waafajiyey, waana maxkamad sugayaal eedeysanayaashaas,” ayuu yiri Afhayeen Qaasin Rooble.

Afhayeenka ayaa sheegay in raggaas la horgey doono maxkamad, markii ay soo dhamaadaan baaritaanada ku socda, isagoo hoosta ka xariiqay in boolisku kiiskaas dabagalkiisa ay awoodda isugu geeyey.

Waxaa la weydiiyey afhayeenka in taliyaha iyo askarta loo xiray dayacaad iyo inay kiiska ku lug-yeesheen, wuxuuna ku jawaabay, “Kiiskaa loo xiray, wax dayacaad la dhaho ma jiraan, dadka shacabka ah ayuu ka mid ahaa ninka la dilay, marka kiiskaas dilka ah ayuu salka ku hayaa xarigga ragaas.”

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka warbixiyey sababta warbixinta booliska Khamiistii looga reebay faahfahinta kiiska ganacsade Abuukar Kaabax, wuxuuna sheegay in warbixintii Khamiistii hore ay ku jirtay warbixinta kiiskaas, balse aysan jirin u jeedo kale oo boolisku lahaa kiiskaas.
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Saraakil Sare Sare ooAlshabaab ah oo Lagu laayay Galmudug iyo Degaan Laga Qabsaday Alshabaab
Next articleFaafaahinDheeri ah oo Ku saabsan safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here