Home puntland Daawo Sawirada’’ Dowlada Talyaaniga oo qalab casri ah ku wareejisay Taliska Booliska...

Daawo Sawirada’’ Dowlada Talyaaniga oo qalab casri ah ku wareejisay Taliska Booliska Soomaaliyeed

0

Dowlada Talyaaniga oo saaxiib dhow la ah Dowlada Somalia ayaa qalab Casri ah oo loogu talo galay Ciidamada Somalia ku wareejisay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Qalabkaani ayaa waxaa loogu talo galay in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay uga hortagaan Foodooyinka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Dowlada Talyaaniga ayaa Qalabkaani u hibeysay Dowlada Somalia si ay Ciidamada Booliska u adeegsadaan xiliyada kacdoonada ay ka dhacaan dalka.

Xaflada ay Taliska Booliska kula wareegen qalabkaasi ayaa lagu qabtay Xarunta Midowga Yurub ee Xalane halkaasi oo Xubno ka socday Taliska lagu guddoonsiiyay qalabka oo ahaa mid badan.

Qalabka loo isticmaalo ka hortagga Rabshadaha ee la siiyay Booliska Somalia ayaa waxa ay ka mid tahay dib u dhiska ciidanka xooga dalka oo uu Taliska Booliska Somalia dadaal dheer ugu jiro.

Waxaa isticmaali doono qalabkaan ciidamadii dhawaan tababarka loogu soo xiray dalka Jabuuti ee Booliska Somalia ka tirsan.

Dhawaan ayeey aheyd markii Booliska Somalia la guddoonsiiyay qalab Isgaarsiineed oo loo adeegsado isku xirka Booliska iyo matooro dab dhaliyeyaal ah.


 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here