Home Wararka Maanta In ka badan 33 kun oo arday oo u fariistay imtixaanka dugsiyada...

In ka badan 33 kun oo arday oo u fariistay imtixaanka dugsiyada sare

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka waxaa maanta si isku mid ah uga billowday imtixaanka qaran ee dugsiyada sare oo ay qaadesyo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda.

Imtixaankan oo ay u fariisteen in ka badan 33 kun oo arday ah ayaa waxaa daah-furay, ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana sidoo kale wehlinayay wasiirka waxbashada Soomaaliya.

Saalax ayaa marka hore faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geeddi socoka waxbarashada, isaga oo shaaciyay in haatan meel wanaagsan uu marayo.

“Si dhow ayaan ula soconay howsha ka socotay wasaaradda waxbarashada xilligii hore, dowladdii hore, tii ka horreysay, illaa tan ama geeddi socoka waxbarashada, waxaa hubaal in maalinta maalinta ka dambeysa in tayada waxbarasho oo uu helayo muwaadinka Soomalaiyeed ay kordheyso,” ayuu yiri ku simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu guul u rajeeyay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

“Guul iyo gobanimo ayaan u rajeyneynaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ardayda ah ee maanta imtixaanka mareysa, imtixaankana waa furan yahay” ayuu raaciyay.

Dhanka kale, wasiirka waxbashada Faarax Sheekh Cabduqaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka galayaan illaa 33,700 oo arday, isla-markaana lagu galayo 114 goobood oo ku kula yaalla gudaha magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

“Imtixaanadu waxa ay ka dhacayaan 114 goobood oo dalka qaybihiisa kala duwan ka tirsan waxaana ka qayb-galayaa 33,700 oo arday” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan aad iyo aad ugu rajeynayaa ardayda iyo waalidiintoodaba si guul in imtixaanka uu ugu dhammaado,”

Ugu dambeyn wasiirka waxbarashada ayaa soo hadal qaaday cabashada kasoo yeereyso qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku aadan imtixaanka, wuxuuna sheegay in ka wasaarad ahaan ay baaris sameeyeen, isla-markaana ay kasoo baxday natiijo wanaagsan.

 

Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo si adag uga hadashay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Buulamareer
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka shaqada kasii dagaya ee Larry André Jr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here