Home Wararka Maanta Aabbe markay dhalatay gabadhiisu 30 ilbiriqsi hayey kadibna ka cararay balse 16...

Aabbe markay dhalatay gabadhiisu 30 ilbiriqsi hayey kadibna ka cararay balse 16 sano ka dib ayada ku badbaaday

0

Ka dib markii ay wax walba ku waayeen duufaanta Katrina loo yaqaan, Matt James Metsum ayaa gabi ahaanba niyad jabay oo argagaxay. Waxa uu isu diyaariyey in aakhirkiisii soo dhawdahay. Laakin isla wakhtigaas waxa laga soo wacay telefoon. Taleefankan waxaa soo dirtay gabadhiisa oo weligiis uu hal mar oo kaliya arkay. Laakiin maanta iyada ayaa ahayd sababta ugu weyn ee badbaadadooda.

Matthew Metson wuxuu la kulmay hooyada gabadhiisa markuu 16 jir ahaa.

“Selani waxay soo gashay fasalkaygii oo aan ku baraneynay taariikhda Maraykanka, markaas unbaa la I dhex qaaday, waxaan is idhi waa tuma inantani, waa inaan wax ka ogaado gabadhan.”

Mat James waalidkii waxay ahaayeen fanaaniin. Aabbihiis sidoo kale wuxuu ahaa barafisoor fanka dhiga. Jaamacado kala duwan ayuu wax ka dhigay.

“Si joogta ah ayaan marba meel u guureynay, sababtaas darteed, weligey fursad uma helin inaan saaxiibo dhab ah yeesho, waxaan la kulmi jiray dhowr qof, waxaanan ka tagi jiray dhowr maalmood gudahood, marka mar walba waxaan ahaa mid ka fog dadka kale, waxaan u maleynayaa inaan weli sidaas ahay maanta” ayuu yidhi Mat James. ayuu yidhi:

Kadib waqtigii uu ku noolaa koonfurta Faransiiska, qoyskiisu waxay u guureen Yellow Springs, oo ah magaalo yar oo gobolka Ohio ee Maraykanka ku taal. Halkaas ayuu kula kulmay saaxiibtiisii ugu horreysay Selani.

“Waan isu nimid, waxaana na dhex maray xiriir dhowrkii sano ee xigtay, ka dibna waa la kala tagay. Laakiin inta u dhaxaysa waxaan sameynay waxa aan maanta ugu yeerno ‘kulan hal mar ah’, waxaan ula jeedaa waanu isku soo dhawaannay sidaas ayeyna Selani ku uureysatay. Laakiin si kastaba ha ahaatee, waxay noqotay inaan is guursanno ama kala tagno,” ayuu yidhi Mat James.

Mat James wuxuu ahaa 18 jir markaas. Waxa uu dareemay in aanu wali diyaar u ahayn in uu aabbe noqdo.

“Waxaas oo dhan aad ayaan uga argagaxay, nolosheyda oo dhan waxay noqotay mid gadoon,” ayuu yidhi.

“Ma haysan wax fikrad ah si aan ula macaamilo. Waxaan ahaa mid aad u yar waxaana iskaga jiray nolol khayaali ah. Ma garaneynin waxa aan sameeyo.”

Selani waxay dhashay gabadh yar. Waxaana loo bixiyey magaca Tyler.

Mat James waxay Selani kula kulantay albaabka Glen Helen ka dib markii ay dhashay. Inantii ayuu isku duubay markii ugu horeysay.

“Waxaan hayey Tyler ilaa 30 ilbiriqsi wax dhan. Intaas oo kali ah. Waxaa halkaas uga biloday Mat James safarka uu wax walba kaga baxsanayey sida uu sheegay waxa aanu u guuray gobolka New Orleans markaas oo uu 19 illaa 20 sano jir ahaa.

Balse si waliba oo aad isugu daydo inaad ka dhuumato xaqiiqda malin ayey ku haleelaysaa waana tan ku dhacday Mat James.

Mat James waligiis waxa uu ahaa fanaan. Laakiin hadda waxuu bilaabay inuu helo aqoonsigaas. Ma uusan lahayn guri joogto ah, sidaas darteed inta badan shaqadiisa ama fannaannimadiisu waxay ahayd mid warqad oo kali ah ku qoran.

Ka dib markii uu bulshada ku dhex milmay, waxa uu sii ambaqaaday shaqadii fanka. Wuxuuna ka gaaray heer sare. Inta uu fankiisa hor marinayo Mat James waxaa koreysa gabadhiisii yareyd oo la nool ayeydeed – soddohda Mat James Selani Borobe waxaanay noqotay gabadh hibo faneed leh.

“Waxaan helay guri dabaq ah, waan u guuray ka dibna duufaanta Katrina ayaa ku dhufatay,” ayuu yidhi.

New Orleans waxaa gabi ahaanba burburiyay duufaantii Katrina bishii Agoosto 2005. Inta badan magaalooyinkana daad ayaa qaaday.

Ilaa 2,000 oo qof ayaa ku dhintay waxaana lagu qiyaasay 1 milyan oo qof inta ku bara kacday. Sharcigii iyo kala dambayntii ayaa gebi ahaanba burburay.

Mat James gurigiisa ayaa sidoo kale daadku qaaday, taasoo keentay inuu lumiyo inta badan alaabtiisa. Waxa kale oo halkaas uu ku waayey dhamaan shaqooyinkiisii faneed ee uu qoray ama duubay.

Waxa uu muddo isbuuc ah ku noolaa burburka dhismeyaasha magaalada daadku qaadayKa dib waxa uu helay maalin maalmaha ka mid taleefan wuxuuna wacay hooyadiis si uu u ogaado inay nabad qabto iyo saaxiibbo markii dambe u gargaaray una raray magaalada Los Angeles.

dhanka kale waxaa jira Tyler 16 jir ah, waxayna nadiifinaysay qolkeeda markii hooyadeed soo gashay oo ay u dhiibtay Tyler warqad. Warqadda waxaa hal dhinac uga qoran lambar sanduuqa bostada dhanka kalena taleefan . Tani waxay kuu ogolaaneysaa inaad la xiriirto aabbahaa ayey ku tiri hooyada Tyler.

“Waxaan u maleynayaa inay ka heshay waraaqo badan oo ay ku fikirtay, ‘Waa inaan tan siiyaa Tyler si ay u wacdo haddii ay rabto,” ayey tiri Tyler.

“Hooyaday aad bay u fududaysay inay i siiso warqadaas, xataa waxay igu adkaysatay inaan warqad u qoro halkii aan wici lahaa. Laakin daqiiqado gudahood markii aan helay warqadda, waxaan wacay nambarkii, waxaan u maleeyay inay jirto fursad boqolkiiba 50 ah oo qofna uusan qaban doonin.

“Waxaan ku fikirayey ‘ maxaad waayeysaa hadaad wacdo’. Markaa aad uma qiiroonayn ama ma werwerin marki isla markiiba la iga qabtay taleefanka.”

Waxaa usoo dhacya taleefan.

Waxay sheegtay in aanay xitaa go’aan miyir qaba oo ay ku wacdo aysan qaadan. Iyada oo faraxsan ayay wacday.

Mat dhankiisa waxa uu u maleeyay in mid ka mid ah saaxiibadiis ay dhibaato qabsatay balse wuxuu maqlay codka Tyler markiiba.

“Weligaa ma maqashay magaca Tyler hadda ka hor” ayay tidhi.

Matt James ayaa ku jawaabay: “Tyler, waxaan sugayay taleefankan muddo 16 sano ah.”

Tyler ayaa waydiisay abaheed, ‘Ma i neceb tahay?’

“Waxaan ku idhi, kuma necbi, laakiin miyaad i neceb tahay adigu?” “Maya ayay tidhi. Waxaan u malaynayaa inaan ahaa qof naxsan oo aan waxba haysan waxna ku tari Karin xilligaas. Waxaan ka sheekaysannay muusiga iyo waxyaabo kale oo badan,” Matjames ayaa yidhi.

Tyler ayaa sheegtay in markii ay dhammeeyeen in ay ku wada hadlaan taleefoonka, aysan go’aansan sida ay u wada xiriiraan lahaayeen. Laakiin labadooduba way garanayeen in ay is wici karaan hadey rabaan.

“Waxaan si lama filaan ah u dareemay masuuliyad, indhahaygu way furmeen, waxaana joojiyay inaan eego dhulka, waxaanan naftayda ku idhi, “Los Angeles ayaan iska joogaa, gabadheydana waxay u maleyneysaa in tani ay tahay mid gaar ah oo farxad leh, markaa miyaanan dareemin farxad ah? “.

Halkaas waxa uu Mat James ka bilaabay inuu uu gabadhiisa kaga farxiyo muusiga oo labadooduba hibo u leeyihiin maadaa uusan haysan guri iyo hanti uu kaga farxiyo.

Waxa uuna bilaabay inuu alifo heeso cusub, gabadhiisuna waxay timid magaalada Los Angeles xilli uu Mat james bandhig faneed ku lahaa halkaas.

“Waqtigaas wax yar ayaan ka walwalsanaa, si dabiici ah. Laakiin isla markii aan la kulannay, wax walba waxay ila noqdeen sida saxda ah. Waxaan dareemay fudeyd. Aad ayaan ugu qanacsanahay, “ayey tiri Tyler.

“Waxay isla markiiba dareentay isu ekaanshaha jireed ee naga dhexeeya,” Matjames ayaa yidhi.

Kadib markii ay aragtay fanka Matt James, Tyler waxay ku casuuntay aabaheed inuu yimaado Ohio si uu u arko shaqadeeda.

“Waan ogaa inay saxan tahay, sidaas darteed waa inaan sameeyaa.” ayuu yidhi.

Waxaase jira macne kale oo ku saabsan la kulanka Tyler ay aabeheed la kulantay. Taas macnaheedu waa Tyler hadda waxay la xiriirtaa dhammaan waalidkeed, hooyadeed, adeerkeed iyo aabbihii dhalay, dhammaantoodna waa jilayaal iyo fannaaniin.

Ad
Previous articleTahriibayaal ku go’doomay jasiirad aanay waligoodba maqal.
Next articleCiidamo horleh oo kusii Qulqulaaya magaalada Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here