Home puntland Akhriso Warbixin Muujineysa Guusha Shirka Maamul usameynta Gobolada Dhexe oo u Muuqata...

Akhriso Warbixin Muujineysa Guusha Shirka Maamul usameynta Gobolada Dhexe oo u Muuqata Mid aan Sahlaneyn…

0

Bilihii ugu danbeeyay waxaa la hadal hayay in laga yagleelo Gobolada Mudug iyo Galgaduud Maamul Goboleed kaa oo ay shacabka ku nool Goboladaasi ay ku sameysanayaan hal maamul oo wada matala.

 

Durbaba markii uu soo yeeray ereyga ah in Maamul loo dhisayo Goboladaasi waxa isa soo sharaxay Musharixiin badan kuwaoo doonaya mid walba in uu noqdo Madaxweynaha Maamulkaasi kasoo baxa, waxa ayna Socdaalo ku mareen qaarkood qaybo kamida Goboladaasi.

 

Inkastoo ay muhiim tahay in Muwaadin walba u tartamo xilka degaankiisa hadana waxa muuqata in nidaamka wax lagu dooran doono uusan aheyn mid kalsooni badan ka muuqato.

 

Tusaale: waxaa dhawaan tagay Magaalada Dhuusomareeb wafdi u hogaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh kaa oo u sheegay Odayaasha shirka dib u heshisiinta u joogay halkaasi in Shirka markuu u dhamaado ay aadaan Cadaado oo uu ka furmayo Shirka Maamul Goboleedka, sidoo kale waxa uu sheegay in Caasimada iyo Dekadda ay garaneyso Dowladdu halka ay noqoneyso isaga oo waliba cadeyn labada danbe meesha ay la rabto Dowladda:

 

waxa durba bilaawday guux ah in Shirka uusan madax banaaneyn oo Dowladdu ay iyadu maamuleyso aayaha dadka degaanadaasi la rabay in ka tashtaan, waxaana taasi sii dheer in Dastuurku uu qorayo in Dadka ku nool 2 Gobol oo iskood isku raaca ay noqon karaan Maamul Goboleed.

 

Hadii arintu sidaa tahay maxa keenay in Dowladda ay u meeriso indhergaradka Degaanadaasi waxa la rabo in iyagu ka fakaraa.

 

Dadka falanqeeya Siyaasada oo qaarkooda la hadlay codkaxoriyada.com yaa ku si feeyay in sabab u tahay Qodobada soo socda:

 

1: Dowladda oo dooneysa in uu kasoo baxo Gobolada dhexe Madaxweyne iyagu ay wataan.

2: Ergooyinka shirka oo mid walba oo kamida uu doonayo in xil uu helo ama qof uu wato lasiiyo.

3: Siyaasada Beesha Caalamka oo meesha ka marneyn iyo Shaqsiga ay wadato.

4: Dowladaha dariska qaarkood oo raba in Maamulkaasi Madax ka noqdo qof dhankooda ay doonayaan.

5: Shacabka Goboladaasi oo aan heli doorkii ay filayeen in shirka ku yeshaan.

6: Magaalooyinka Cadaado iyo Dhusomareeb oo loolan siyaasadeed la dhex dhigay.

 

7: Qaar kamida Degaanada Galgaduud oo ay ka jirto Colaad ka dhalatay dhismaha Maamulkaasi.

 

intaas oo qodob iyo ka badan ayaa ku horgudban in meel qura laisku raaco iyadoo dhan walbana uu rabo in siyaasadiisa guuleysato, waxaana taasi Marqaati u ah in Magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado ay hada wada taalo gogosha Maamu u sameynta Gobolada Dhexe.

 

waxaana ergooyinka ay u durbaan tumayaan mid waliba dhanka isagu uu rabo raaco taasi oo u muuqato in ay keeneyso in laba Shir lakala qabsado ayna soo kala baxaan labo Madaxweyne oo ku hardama Labadaasi Gobol.

 

Su,aasha is waydiinta mudan ayaa ah hadeysan Shacabka Deganaasi iskood uga tashan Maamulka ay dhisanayaan oo Dowladdana ay uarkaan in ay u afduubeyso Siyaasad gaara soo taasi kama dhigna su.aasha ah Ma Sahlana Guusha Shirka Maamul usameynta Gobolada Dhexe.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here