Home Wararka Somaliya Jubbaland Al-Shabaab oo Toogasho ku fulisay 6 nin akhriso Magacyada raga La Toogtay

Al-Shabaab oo Toogasho ku fulisay 6 nin akhriso Magacyada raga La Toogtay

0

Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay rag ay kooxdu ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey sirdoonnada dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya.

Raggaan la dilay oo gaaraya illaa 6 nin ayaa Al-Shabaab waxa ay shaacisay in ay mas’uul ka ahaayeen duqeymo kala duwan oo lagu beegsaday kooxda, kuwaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka oo dhaca koonfurta waddanka Soomaaliya.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dhammaan ragga la dilay lagu helay eedeymaha loo soo jeediyey, kadibna xukunkii lagu ridday maanta lagu fuliyey

Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay:-

1-Cabdirisaaq Ciise Axmed (Maqas) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka.

2-Xasan Gaarane Muuse (Dr Ayuub), oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonnada Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya, uuna qayb ka ahaa 20 duqeymood.

3-Cabdullaahi Cali Ismaaciil oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada uu Mareykanka tababaray ee Bangaraafta iyo kuwa Jubbaland.

4-Shire Yuusuf Xersi oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna bixiyey xogta 10 ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaaba

5-Axmed Muqtaar Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada maamulka Jubbaland.

6-Ismaaciil Cabduweli Cismaan oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka dowladda Mareykanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay dilalka toogashada, waxaana ugu dambeeyey todobadii qof ee bishii hore lagu dilay fagaare ku yaal deegaanka Buulaay ee gobolka Baay, kuwaas oo iyaguna lagu eedeeyey inay ahaayeen dad jawaasiis ahaa.

Si kastaba, dhacdooyinkaan ayaa ku soo beegmaya, xilli ay haatan kooxdu sare usii qaaday weerarada ay ka fuliso gudaha dalka iyo kuwa ay ku qaado waddamada Kenya iyo Itoobiya.

 

 

 

Ad
Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada Kenya iyo Labo Musharax oo si weyn isku haya
Next articleDeg Deg: Xildhibaan Kenyan ah oo Goob tirinta codadka ka socotay ku dilay Kaaliyaha Musharaxii la tartamaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here