Home puntland Maxay dawlada Maraykanka ka tiri arrinta xawaaladaha Soomaalida

Maxay dawlada Maraykanka ka tiri arrinta xawaaladaha Soomaalida

0

Afhayeenka waaxda arrimaha dibbada Maraykanka Jen Psaki ayaa sheegtay dawlada Maraykanka aysan amrin in la joojiyo lacagaha Soomaalida Maraykanka ku nool u soo diraan Soomaaliya eheladooda joogta

Hadal kooban oo ay warbaahinta siisay Jen Psaki waxaay ku sheegtay inuusan jirin xukuumadda Washington kasoo baxay oo ku saabsan in bangiyada la faray inay jaraan xiriirka ay la leeyihiin shirkadaha xawaaladaha Soomaalida.

Haweeneydaan u hadashay dawlada Maraykanka waxaa ay xustay inay dawlad ahaan ka warqabaan in lacagaha Maraykanka laga soo diro ay ku tiirsantahay nolosha malaayiin ruux oo Soomaaliya jooga haddana ay walaac dhanka kale ka qabaan in dhaqaalaha badankiis uu gacanta u galo wax ay argagixiso ku sheegtay.

Sidoo kale Jen Psaki afhayeenka waaxda arrimaha dibbada Maraykanka waxaa ay sheegtay inay hadda wadaan xiriiro toos ah oo ay la samaynayaan madaxda bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka degen si ay arrimaha ugala xaajoodaan.

Q,M ayaa dhawaan ku dhawaaqday walaaca ay ka qabto nolosha dad badan oo Soomaaliyeed haddii ay joogsadaan shaqada ay hayaan xawaaladaha Soomaalida waxaana ay arrintaani timid kadib markii bangigii ugu dambeeyay uu ku wargaliyay shirkadaha xawaaladaha Soomaalidu leedahay inuu joojiyay xiriir lacag xawilaad ee uu la lahaa.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here