Home Wararka Maanta Joe Biden oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan Codsi ku aadan Dagaalka Kasocda...

Joe Biden oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan Codsi ku aadan Dagaalka Kasocda Qasa Udiray

0

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Dowladda Turkiga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku booriyay in ay kala shaqeeyaan, sidii loo dejin lahaa xiisadda ka dhex oogan Falastiiniyiinta iyo Israel.

Madaxweyne Biden ayaa Turkiga weydiistay in uu gacan ka siiyo xal u helidda xiisadda Sabtidii ka dhex qaraxday labada dhinac, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Madaxweyne Biden wuxuu sii raadinaya in Turkiga uu si joogto ah uga la shaqeeyo joojinta dagaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, oo khadka teleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa sidoo kale ka codsaday in Ankara ay sii waddo ka qayb qaashada joojinta weerarada Xamaas.

“Mareykanku wuxuu dhankiisa diiradda saaraya, sidii Xamaas ay weerarada u joojin lahayd, loona sii deyn lahaa dhammaan la haysteyaasha,” ayaa lagu sheegay bayaanka.

Xoogaga Xamas ayaa la sheegay in ay weerarka ku qafaasheen kun qof, oo isugu jira Ciidamada Israel iyo weliba dad shacab ah.

Tirada dadka ku dhintay dagaalka ayaa la sheegay in ay sii caga-caganeyso in ka badan 1,500 qof, kuwaa 450 ka mida ay yihiin Falastiiniyiinta.

Israeliyiinta ayay naxdin ku noqotay weerarkan oo ay ku sheegeen kiisii ugu horreyay ee garabyada hubeysan ee reer Falastiin ka gaystaan dhulka la haysto.

Ad
Previous articleTaliye Sare Caliim Sacad oo katirsanaa Saraakiisha Israail oo lagu dilay Weerar Gaadmo ah
Next articleMaxay yihiin kooxda Qassam Brigades ee dagaalka kula jirta Israa’iil?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here