Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Wariye Xuseen Cabdulle oo Muqdisho lagu Xiray

War Deg Deg ah: Wariye Xuseen Cabdulle oo Muqdisho lagu Xiray

0

Wariye Xuseen Cabdulle oo goordhow ciidamada Nabadsugida ku xireen magaalada Muqdisho, sida lagu baahiyay telefishinka SYL

WAR CUSUB:Ciidanka NISA ayaa xabsiga dhigay wariye Xuseen Candulle Maxamed (Gurmad) oo kamid ah wariyeyaasha caanka ah ee Muqdisho.

Taliyaha cusub ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa xafiiskiisa ugu yeeray wariyaha, kadibna wada hadal kooban oo ay yeesheen ayaa la xaqiijiyey inuu amray in la xiro wariye Xuseen Cabdulle.

Lama oga sababta rasmiga ah ee arrintan ka dambeysay. Sanbaloolshe ayaa caan ku ah qar iskutuurnimo beegsiga Suxufiyiinta Muqdisho.

Sanka, waxaa lagu xusuustaa labadii xilli ee uu horey NISA usoo maamulay inuu xabsiga dhigay wariyeyaal iyo xitaa agaasimeyaal warbaahineed.

Ururka SOMA ayaa si adag u cambaareyay xariga sharci darada ah ay hay’adda NISA u geystay Milkiilaha SYL SOMALIA TV Hussein Abdulle Mohamed

Qoraalka ayaa u qornaa sida:-

Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA waxa ay ka xuntahay Xariga Wariye Hussein Abdulle loogu geystay Magaalada Muqdisho.

SOMA waxa ay ku baaqeysaa in Xuriyadiisa lo so celiyo Wariye Hussein Cabdulle Mohamed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan u so jeedineynaa in la ilaaliyo Sharciga lana dhowro Madax banaanida Warbaahinta.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Deni Ugu Baaqay inuu Yimaado Muqdisho
Next articleSoomaaliland oo Shaacisay Sabab kaa Yaabinaysay oo Soomaaliland Sheegtay inay Xabsiga U dhigtay Ugbaad Aragsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here