Home puntland Gudiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe oo soo Saaray Warsaxaafadeed…

Gudiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe oo soo Saaray Warsaxaafadeed…

2

Guddiga Farsamadda Ee Maamul Usameeynta Goboladda Dhexe Galgaduud iyo Mudug. Khamiis, 1 Janaayo 2015 Muqdisho- Kulankii 34AAD oo aay isugu yimid guddiga farsamadda maamul usameeynta Goboladda Dhexe Galgaduud iyo Mudug oo uu shir gudoominayay Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Maxamed Xaashi Cabdi.

 

 

 

 

 

Shirkaa ayeey guddigu waxeey uga hadleen waxyaabihii u qabsoomay tan iyo intay gudoonka doorteen iyo waxa ku soo wajahan ooy tahay inay qabtaan.

 

 

 

 

 

 

Waxyaabaha ay ka hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa;

 

 

 

 

 

 

Inla dar dar geliyo dhaqaajinta howsha maamul usameeynta Goboladda Dhexe Galgaduud iyo Mudug ayagoo isla qaatay ineey muhiim tahay in sida uga dhaqsaha badan ay ugu wareegaan goobtii shirka si wada jir ah.

 

 

 

 

 

 

Waxeey kaloo ka hadleen oo isla qaateen arinka dib-u-heshiinta ooy dad badan soo celceliyeen ayagoo isla gartay inay shaqadooda ka mid tahay arintaas inta badana aayku dhex qaban doonaan waqtiga shirka uu socdo wixii ka dhimanaadana aay dhameeystiri doonaan shirka kadib.

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale wuxuu mar labaad guddigu baaq nabadeed usoo jeediyay dhamaan kooxaha ku dagaalamaya Goboladda Dhexe Galgaduud iyo Mudug si kudheehan hufnaan iyo shuruud la’aan lagusoo celiyo nabad iyo wadda noolaasho.

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale wuxuu guddigu usoo jeedinayaa baaq dhamaan musharixiinta madaxweeyneninimo ee Gobaladda Dhexe Galgaduud iyo Mudug in aaysan ku kicin fal dhaawici kara heykalka iyo hawsha guddiga, iskuna kalsoonaadaan mar walbana ogaadaan inuu guddigu yahay mid dhex dhexaad ah lana shaqeeyaan.

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale Gudigu waxa uu ka codsanyaa in dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan ee ka soo jeeda Galgaduud iyo Mudug goob kasta ay joogaan inay gacan ku siiyaan gudiga dhismaha maamulkaas..

 

 

 

 

 

 

Fiiro Gaar Ah: Wax Yaabaha Guddiga Uqabsoomay;

 

 

–     Xalinta caqabada badan oo la soo gudboonaaday lidna ku ahaa maamul u samaynta Gobolada Dhexe.

–     Inla doortay gudoomiye, kuxigeen, xoghaye iyo afhayeen

–     Inla magacaabay gudiyo hoosaad kala ah dastuurka, qilaafaadka, sahayda & dejinta, amniga & anshaxa & wacyi gelinta

–     Bilowga qoraalka Qabyo qoraal dastuurka maamulka goboladda dhexe

–     Xeer hoosaadka gudigga iyo ergooyinka

 

 

 

 

 

 

Ugu danbeeyntii shirkii maanta waxa uu guddigu isku raacay inuu dar-dar geliyo howlihiisa shaqo ee horyaalla.

 

 

 

 

 

 

Wixii faah faahin dheeraada, fadlan kala soo xiriir afhayeenka guddiga.

Wada Shaqeeyn Wacan.

Shiiq Cumar Cali Rooble  Afhayeenka Guddiga Farsamadda – tel: 0618066662 email:galgaduudmudug.tc@gmail.com

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here