Cadaado oo hormarkii ugu danbeeyay ku talaabsatay daawo sawirada hormarka gobolada dhexe…

    0

    Magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb ayaa sanadihii ugu dambeeyay samaysay hormar dhinaca ganacsiga ah, iyadoo magaalgashadayaal deegaanka ah iyo qurbajoogta oo ka faa’iidaysanaya Nabadgalyada ay sameeyeen ganacsiyo waawayn oo xitaa dad camal la’aan ah ay shaqo ka heleen.

     

     

     

    Faarax Maxamed Axmed waa hawlwadeen ka tirsan Hotelka Central oo ka mid ah Hoteelada dhawaan la hirgaliyay ayaa sheegaya in magaaladu ay samaysay hormar ganacsi 5-tii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka hirgaleen Warshado yaryar, Hoteelo iyo nuucyo kale oo ganacsi, isagoo intaa ku daray in ay shaqaalaysiiyeen ku dhawaad 50-Ruux oo horay shaqo la’aan u ahaa.

     

     

     

    Ganacsiga kobcaya ee magaalada iyo nabadgalyada ayaa sidoo kale dhiirigalisay Qurbajoobta, kuwaas oo qaar kood ay deegaanka ku soo laabteen.

     

     

     

    Axmed Maxamed Diirshe waxaa Cadaado ugu dambaysay 28-sano ka hor ayaa sheegay in go’aansaday in deegaankiisa uu ku soo laabto mudadaas dheer ka dib, si uu nolol cusub uga samaysto.

     

     

     

    Cadaado waxa ay xeebta badwaynta India u jiraa 270-Km sidaas oo ay tahay waxaa si caadi ah looga cunaa Kaluunka.

     

     

     

    Maxamed Aadan Bood oo madax ka ah shirkadda Danwadaag oo Kaluunka ka ganacsatada ayaa sheegay in markii ay qiimeeyeen baahida loo qabo Kaluunka ay xarumo ka furteen magaalooyinka Cadaado, Godinlabe iyo Ceel-huur si kaluunka loo gaarsiiyo.

     

     

     

    Adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo kuwo kaleba ayaa ah lacag la’aan ama ku dhaw, inkastoo wali hormarin loo sii baahanyahay.

    DSC00449-466x350 DSC00450-466x350 DSC00451-466x350 DSC00455-466x350 DSC00460-466x350 DSC00461-466x350 DSC00507-466x350 DSC00510-466x350 DSC00512-466x350 DSC00518-466x350 DSC00522-466x350 DSC00533-466x350 DSC00584-466x350 DSC08951-466x350 DSC09184-466x350 DSC09186-466x350 DSC09189-466x350 DSC019188-466x350 DSC1019187-466x350

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here