Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo Malaayiin Dollar ugu deeday degaanadii dhowaan laga saaray...

Midowga Yurub oo Malaayiin Dollar ugu deeday degaanadii dhowaan laga saaray kooxda Al-shabaab

0

Midowga Yurub, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo EURO kaasoo loogu talagalay degaannada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa laga fulinayo laga saaray Al-Shabaab ayaa loogu talo galay in laga sameeyo dhismaha saldhigyo boolis, qodista ceelal biyoodyo iyo rakibidda layrarka cadceedda ku shaqeeya.

Waxaa sidoo kale, mashruuca qeyb ka ah qabashada kulamo dib u heshiisiin ah, oo loo sameeyo dadka ku nool degaannada laga saaray Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa laga fulin doonaa maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Magaalooyin ay kamid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Maxaas, Matabaan, Teedaan, Raage-Ceele iyo Aadan Yabaal ayaa noqon doona meelaha ugu horeeya ee mashruucan ka faa’iideysan doona.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey ee Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Berbera
Next articleNin waxyaabaha qarxa mooto bajaaj ku waday oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here