Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza oo ka duulaya ansixinta wax ka beddelka dasuurka ayaa bilaabay kulamo gooni gooni ah oo ay la qaadanayaan xildhibaanada baarlamaanka.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxda qaranka ay kala furfuris ku bilaabeen xildhibaannada diidan ansixinta afarta cutub ee dastuurka, kuwaas oo maalin kahor cududooda kusoo bandhigay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah saacadihii lasoo dhaafay ula shiray xildhibaano kala duwan, isaga oo ka codsaday in ay ka shaqeeyaan meel-marinta dastuurka,.
Sidoo kale waxaa uu ku qancinayay xildhibaanada in dastuurka uusan ahayn kitaab Qur’aan oo wax laga beddeli karo sidii horayba u dhacday markii uu ahaa Axdi Qarameedka.
Dhankiisa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay xubnaha golaha wasiirada ee ku jira baarlamaanka ayaa ku amray inay si buuxda uga qayb-qaataan meel marinta wax ka bedelka dastuurka, ayna sidoo kale olole ka dhex bilaabaan xubnaha kale ee diidan.
Villa Soomaaliya ayaa dadaal xoogleh ku bixineyso qorshaha wax ka beddelka dastuurka, ayada oo garab ka heleysa guddoonka baarlamaanka, waxaase diidan xubnaha mcaaradka.